Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay heystaan deegaano badan oo kamid ah Galmudug,isla markaana dadka ku nool deegaanadaas ay ku qabaan dhibaatooyin kala duwan.
Waxaa uu sheegay inay Galmudug diyaarineyso qorsho amni,sial markaana,iyaga oo kaashanaya Ciidamada dowladda ay la imaanayaan qorsho amni,sidoo kalena ay diyaar u yihiin inay la yimaadaan qorshooyin lagu sugayo Amniga.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ay diyaar u tahay inay bilaawdo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,kaas oo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.
Hadalkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi waxaa uu ka sheegay kulan Madaxweynaha Galmudug uu la qaatay xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Galmudug,kaas oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.