Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Somaliland Baashe Max’ed ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni & Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ay isku arkeen kulan ka dhacay magaalada Dubia ee dalka Imaaraatka Carabta.
Baashe, ma sheegin waxyaabaha looga wada hadlay, wuxuuna hadalkiisu ku soo beegmay xili Faysal dhawaan uu difaacay Madaxweyne Deni, horeyna Madaxweynaha Puntland ayaa DFS ugu eedeeyey in ay faragalin ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliland.
Madaxweyne Deni la kulanka Faysal Cali Waraabe horey uma sheegin.