Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee BFS ayaa maanta waxay kulan wadatashi ah kula yeesheen Siyaasisiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Waxayna Ka dhageysteen Wasiirada, Xildhibaanadda, Xubnaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedda Goboladda Waqoooyi oo uu kamid yahay Ra’iisulwasaare kuxigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Kulankooda ayeey diirada ku saareen qabyo-tirka mid kamid ah Nuqullada Afarta xeer ee guddiga loo igmaday
Kulanka waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ah Mudane Xil.Ibraahim Isaaq Yarow.