Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa Saacado gudaheed Labo War oo is khilaafsan la wadaagtay taas oo ku aadaneyd Xogta Cudurka iyo dadka udhintay Saacadihii udambeeyey.
Qoraal lagu faafiyey Barta gaarka ah Ee Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 9 Qof ay dhinteen 24-kii saac ee udambeysay.
Wasiir Fowsiya oo Galabta Shirkii jaraa’id ay qabatay waxay sheegtay in 44 Qof oo 35 ka mid ah Rag yihiin 9 kalena ay Dumar yihiin Cudurka laga helay kadib Baaritaan lagu sameeyey.
Wasiir Fowsiya waxay shaaca ka dhigtay in dadka udhintay Cudurka Saacadihii lasoo dhaafay 3 Qof taas oo 23 kii hore ka dhigeysa 26 Kiis inay udhinteen.
Waa hadalo lid isku ah Oo Wasaarada Caafimaadka kasoo baxay.