Xaaladda caafimaad ee Wadaadka Al-Shabaab ka soo goostay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa la soo sheegayaa iney sii xumaaneyso,waxaana si joogta ah Wadaadka u booqanaya Saraakiil caafimaad oo la soconaya xaaladiisa caafimaad.
Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doorto K/galbeed ayaa si hoose inoogu sheegay in Mukhtaar Roobow uu ku dhex xanuunsanayo Xabsi guriga uu ku jiro,waxayna arrintaan u aaneeyeen daryeel la’aan heysata Wadaadka.
Dowladda Federaalka ayay ku eedeeyeen iney ka gaabiso xaaladda Mukhtaar Roobow,islamarkaana guri ku dhex ilowday.
Sida ilo dhinaca ammaanka ah inoo sheegeen, Mukhtaar Roobow ayaa ku xiran guri ku yaalo dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo lagu ilaalinayo.
Mid ka mid ah askartii ilaalineysay ayaa dhawaan lagu dilay guriga uu xabsiga ku yahay Mukhtaar Roobow,taas oo khal khal gelisay amniga Wadaadka oo loo baqay.