Beesha caalamka ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku cadaadinaya iney taageeraan heshiiskii magaalada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed,kaas oo ugu dambeyn sababay iney Seeraar & Xidig aqoonsadaan natiijadii doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo.
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo soo dhoweeyay wadahadalkii dhexmaray maamulka Jubaland iyo hogaanka Golaha Isbedel-doonka Jubaland, ayaa dhanka kale ugu baaqay Madaxda Villa Soomaaliya iyagana iney u hoggaansamaan Heshiiskaasi,si hoeay loogu sii wado geedi socodka dib u heshiisiinta iyo nabada.
Heshiisku wuxuu ka dhiganyahay tallaabo wax-ku-ool ah oo lagu xallinayo khilaafaadkii ka dhashay geedi-socodkii doorashada Jubaland ee Agosto 2019, kaas oo kala qeybiyey bulshada iyo saamilayda siyaasadeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday inuu aqoonsado natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo oo uu ku soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,waxaana doorashadaas lagu tilmaamay mid afduub iyo boob ku dhacday.