Mudane Abdullahi Mohamed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul wasaarhihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.
Xildhibaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ehelka marxuumka uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Nuur Cadde oo maalmahaan cudurka Covid-19 la xanuunsanayay, isagoo Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo.
“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca ummada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Göteborg. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Wuxuu ahaa halyeey Somaliyed. Waxaana lagu xasuusan doona. Joojintii dhiiggii umadda Soomaaliyeed ee ku qulqulayey magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo inta badan gobalada koofureed ee dalka, kadib Markii marxuumku uu hormuud ka noqday dib u heshiisiintii dowladdii TFG iyo Isbaheysigii ARS iyo saaristii ciidamadii Itoobiya ee xiligaas dalka duulaanka ku soo galay.
Sharaf iyo xushmad ayuu marxuumku ka mudan yahay umadda soomaaliyeed, taariikhduna ma iloobi doonto.”