Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay burburin ku hayaan maamulka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dhaqaale ku bixinayaan mooshinada iska soo horjeeda ee haatan ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaanka ayaa xusay in mudanayaasha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxda maamulkaasi looga baahan yahay inay fiiriyaan danaha shacabka, kana tanaasulaan waxyaabaha gaarka ah ee ay isku hayaan, si looga gudbo khilaafaadka haatan jira.
Ugu dambeyn Daahir Amiin Jeesow ayaa carabka ku dhuftay in HirShabelle ay u baahan tahay bad-baadin iyo in hore loo dhaqaajiyo, si ay ula tartanto maamullada kale.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel saare uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre oo labaduba laga gudbiyey mooshino iska soo horjeeda oo uu mid kasta doonayo inuu kan kale xilka uga qaado.