Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa si kulul u dhaleeceeyay xisbiyada ay hogaamiyaan Cabdullahi Sheekh Xasan iyo Cali Maxamed Geedi.
Bartiisa facbooka ayuuna kusoo daabacay sidaan :-
Xisbiyo waxaa soo baxay aan madasha ahayn oo aad mooddo in ay xogeynno uyihiin mas’uuloyiinta dalka ugu sarreeya.
Dalka waa federaal waana wax aanan layaab lahayn in dowladdu ay yeelato xisbiyo mucaarada oo kasoo horjeeda mowqifyada ay dalka ku hagayso, laakin waxaa ayaan darra ah in shakhsiyaad xisbiyo sheeganaya ay caado kadhigtaan in ay markasta ka falceliyaan aragtiyooyinka ay qabaan xisbiyada madasha qaran,iyagoon aan katirsaneyn mas’uuliyiinta eedaha loo jeediyo.
Anigu kamid ma ahi xisbiyada madasha iyo xisbiyo kale laakin waxaa nasiib darro u arkaa in shakhsiyaad ehel wadaag la ah hogaamiyaha madasha qaran ay macaash ku raadiyaan naqdinta,hadal kasta oo kasoo baxa Madasha.
Waxaan walaalaheey lawadaagayaa taariikhdu waa mid qormaysa, waana mid diiwaanka u gali doonta shakhsi kasta ee macaash ku raadsada falcelinta walaalihiis ku heebta ah.
Dowladdu iyada ayay waajib ku tahay kajawaabidda eedaha loo jeediyo laakin in shakhsiyaad u abaabulan qaab qabiil ay adeegsato waa nasiib darro xaqiijineysa in aysan awoodin kajawaabidda eedaha loo jeediyo.
“Xisbi ma ahi, kamana tirsani”
“Waa aragtideyda nabadoonnimo”
Hassan Abdulkhader Mudey