Post View....

Booliiska Hir-Shabeelle oo xalay ilaa saakay ka wada Howlgal Magaalada Jowhar.

0
62

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Maamulka Hir-Shabeelle xalay ilaa saakey waxay gudaha degmadaasi ka wadaan howlgallo baartaano ah,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo noociisu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa ku dhintey hal ruux,waxaana ku dhaawacmey Shan ruux oo uu kamid yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo lagu Magacaabo Sakariye Muumin Hilowle.

Ciidamada ooliiska ayaa waxaa la sheegay inay howlgalkooda ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey qaraxaas,isla markaana miinada ku Aasay goob xilliyada qaar ay isugu imaan jireen dad isugu jira Shacab iyo Madax intaba.

Dhinaca kale Qarax miino oo ka dhacay Degmada Jowhar waxa uu sababay dhimashada qof shacab ah iyo dhaawaca afar kale oo uu ku jiro Xildhibaan Sakiriye Muumin Hilowle oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

About Author