Shilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Xaawa Cabdi iyo lafoole ee duleedka muqdisho,waxaana uu yimid,kadib markii uu rogmadey Gaari nooca Soomaalida u taqaano Caasiga ama hoomey.
Gaariga rogmadey ayaa ka yimid dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose,isaga oo kusoo jeedey Magaalada muqdisho,waxaana la sheegay in shilkaasi uu ku dhintey hal ruux 5 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo dad Shacab ah ayaa u gurmadey dadka ku dhaawacmey shilkaas,kuwaas oo loo soo qaadey magaalada muqdisho lana dhigey mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.
Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilalka gaari,taas oo sababteeda lagu sheegay in Gawaarida qaar ay si xooga ah ku socdaan.