Laanta caafimaadka dadweynaha ayaa maanta tirokoob ay soo saartay ku sheegtay in 201 oo kamid ah 829 qof oo ajaaniib ah oo xanuunka covid-19 laga helay ay asal ahaan Soomaali yihiin.
Tiradaas oo ka dhigan in 24% ilaa hada dadka laga qaaday baaritaanka corona-virus ee ajaaniibta ah, ay soomaal yihiin.
Dakhtarada qaabilsan kahor tagista xanuunka ee xaafadaha qaarkood ayaa sidoo kale sheegayo in faafista xanuunka uu aad ugu badanyahay xaafadaha ay ajaaniibtu degaan ee magaalada Oslo.
Warbaahinta Norway ayaa saaka dhinac walba ka hadleyso tirada dadka soomaalida ah ee xanuunkaas qaaday, waxeyna cinwaano warbixinadooda uga dhigeen in Soomaalidu ay yihiin ajaaniibta ugu badan ee xanuunkaas qaaday.
Xigasho.https://www.vl.no/nyhet/mange-norsk-somaliere-har-fortsatt-ikke-forstatt-alvoret-med-koronaviruset-1.1691714
https://www.adressa.no/nyheter/innenriks/2020/04/01/Somaliere-p%C3%A5-topp-blant-utenlandsf%C3%B8dte-smittede-21504396.ece
https://www.aftenposten.no/osloby/i/wPG8zo/raymond-johansen-mange-av-de-smittede-i-oslo-har-innvandrerbakgrunn
https://www.nrk.no/norge/smittevernoverlege-i-oslo_-_-meir-ny-smitte-i-bydelar-med-mange-innvandrarar-1.14968771
https://www.dagbladet.no/nyheter/hele-familien-smittet/72310688