Waa maxay waxyaabaha laga doonayo qofka sooman in uu la yimaado? Qaybta 1aad Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji (Maxamedeyn)
Inshaa Allah, bisha danbe waxaan galayna Ramadaan, waa bil khayr ah, qof kasta oo muslim ahna waxaa laga doonaya in uu la yimaado soonka, waxaana in la laga haro wax kasta oo munkar ah, sida: qaadka, shiishada, sigaarka, cayaarta laadhuuga iyo wax kasta oo xun oo waqtiga lagu luminayo, waxaa kaloo in laga haro mudan daawashada heesaha iyo wixii la mid ah.
Allah wuxuu yiri: u degdega denbi dhaafka aad Allah weydiisanaysaan iyo janno ballaciisu yahay ama la mid yahay cirka iyo dhulka loona diyaariyay dadka mutaqiinta ah (Aali Cimraan: 133), Allah wuxuu yiri: qofkii sameeya xumaan ama dulmiya naftiisa, dabadeedna uu Allah denbi dhaaf weydiisto, wuxuu Rabbi ka heli denbi dhaaf isagoo ah denbi dhaafe naxariiste (Annisa’: 110).
Denbi dhaafka Allah la weydiisanayno ayaa nagu waajibta in aan soonka ku soo dhoweyno, qof kastana waxaa looga baahan yahay in uu badiyo nooc kastoo khayr ah, laakiinse haddii ay dhacdo in maalintii oo dhan ay gabadha madbakha (jikada) ku jirto, ninkuna uu iska jiifo, waxaa hoos u dhacaya ajarkii soonka.
Waxaa loo baahan yahay in laga toobad keeno dhammaan denbiyadii horay loo soo galay, Allah wuxuu yiri: toobad la imaada dhammaantiin, macnaha xagga Rabbi u noqda (Annuur: 31), saxiixul Bukhaari waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay abu Hureyra, wuxuu rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: magacii Allah baan ku dhaartaye, anigu waxaan maalintii Allah denbi dhaaf iyo toobadba weydiistaa in ka badan 70 goor.
Soonku waa waajib, Allah wuxuu yiri: kuwii xaqa rumeeyay, yacni Allah iyo rasuulkiisa aaminay, waxaa la idinku waajibiyay in aad soontaan sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay, waxaadna mudan tihiin in aad dhowrsataan oo aad Alle ka baqdaan (AlBaqara: 183).
Ramadaan waa bil la furo dhammaan albaabada jannada lana xiro dhammaan albaabada naarta, labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay abu Hureyra, wuxuu nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: hadduu Ramadaan yimaado waxaa la furaya albaabada jannada, waxaana la xiraya albaabada naarta, shayaadiintuna waa la xirxiri, Ilaahay wuxuu bishan Ramadaan laballaaba ajarka iyo xasanaadka.
Saxiixaynka (Bukhaari iyo Muslim) waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay abu Hureyra, wuxuu nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: qofkii sooma Ramadaanka isagoo ay ka tahay rumayn uu Ilaahay rumeynayo iyo ajar doonis, waxaa loo dhaafa wixii denbi ahaa ee uu horay u galay.
Soonku ma’ahan oo keliya in laga soomo cunto, cabbid, galmo iyo hadallada xunxun ku dhawaaqiisa, xataa qofkii ku aflagaaddeeyo waxaad ku leedahay: waan soomanahay, saxiixaynka waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqde, wuxuu nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: haddii uu qofku sooman yahay, yuusan hadal xun ku hadlin, haddii la caayo ama lala dagaallamo ha yiraahdo: waan soomanahay, waan soomanahay.
Saxiixaynka waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay Sahal bin Sacad Al Saacidi Allaha ka raalli noqde, wuxuu nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: jannadu waxay leedahay sideed albaab, waxaa ka mid ah: Al Rayaan, waxaana galaya oo keliya dadka sooman.
Waxaa dhici karta in qaar naga mid ahi aysanba kala furin kow iyo toban bilood kitaabka qur’aanka ah oo xataa aysan isku dayin in ay hal jus ama hal xisbi ka aqriyaan, sidaas daraaddeed Ramadaanka oo ah bishii qur’aanka, waxaa qofka laga doonaya in uu badiyo qur’aan aqriska, kuna camal falo.
Nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallam, wuxuu habeen kasta bisha Ramadaan la kulmi jiray Jibriil, wuxuuna ka baran jiray qur’aanka, asxaabta nebigeena iyo taabiciinta waxay bisha Ramadaan kordhin jireen qur’aan aqriska, innaguna waxaa nalaga doonaya in bisha Ramadaan aan kordhino qur’aan aqriska.
Waxaa nasiib xumo ah in dadka qaarkii ay Ramadaanka ku soo dhoweeyaan daawasho musalsal iyo filim anshax xumo ah, kaasoo loogu diyaariyay tvyada iyo youtubeka, kuwona waxay daawadaan sheekooyinka iyo filim fuxshi xanbaarsan oo af Soomaali loogu soo tarjumay, halkaasina uu shaydaanku ku illowsiiyo qur’aan aqriskii.
Kuwona waxay Ramadaanka ku soo dhoweeyaan cayaarta turubka iyo laadhuuga, rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri: qofkii cayaara cayaarta laadhuuga loo yaqaano wuxuu ku caasiyay Allah iyo rasuulkiisa, abu Daawuud ayaa sunnooyinkiisa ku soo saaray, abi Muusa AlAshcarina wuu soo weriyay, waa inoo berri iyo qaybtii 2aad inshaa Allah.