Dowlada Uganda ayaa maanta waxay xaqiijisay in askari ka tirsan ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu soo ritay xanuunka Corona virus, wallow ay qarisay aqoonsigiisa ama magaciisa.
Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire, oo u waramay wargeyska Daily Monitor, ayaa tilmaamay in xaalada askariga ay haatan tahay mid wanaagsan isla markaana ay ka tacaalayaan dhakhaatiir gaara oo loo xilsaaray Caafimaadkiisa.
Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in lagu hayo xarun caafimaad oo hoostagta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
“Looma baahna in laga walwalo xaaladiisa. Waxaan hubnaa in uu ka bogsan doono,” ayuu ku adkeystay Richard Karemire.
Xogo ay heshay warbaahinta Mustaqbal ayaa sheegaya in la karantiilay dhamaan dadkii kale ee xiriirka uu la sameeyay maalmihii ugu dambeysay sarkaal oo mar ka soo howlgalay dekada Magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho.
Soomaaliya, oo ay Uganda ka joogaan 6,000 ciidan kuwaasoo qayb ka ah howlgalkada nabad-ilaalinta AMISOM, ayaa laga xaqiijiyey 528 kiisas oo ah Coronavirus; dhimashaddu waa 28 xili ay ka bogsatay 20 ruux kale sida ku cad warbixinta wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.
Askarigaan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee laga helo Coronavirus oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM,waxa uuna kor u qaaday walaaca laga qabo xanuunka oo aduunka ku dilay in ka badan 227,670 oo ruux.