Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkiinleey ayaa sheegaya in toogasho ay galabta ka dhacday Halkaasi.
Wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegay in la dilay oo kusugnaa Halka loo yaqaano Xaaji Gaaboow,lamana oga sababta loo toogtay.
Goob joogayaal waxay sheegeen in Rag bistoolado watay ay dilka geysteen kadibna waa ay ka baxsadeen meesha.
Warar ayaa sheegaya in gaari Cabdi bile ciidanka Dawlada wateen uu dhowr tallaabo ujiray meesha kooxda dilka fulisey kusugnaayeen,mana aysan qaban gacan ku dhiiglayaasha.
Meydka ayaa waxaa la sheegay in markii dambe meesha laga qaaday,waxaana Amniga Caasimada uu umuuqdaa mid sii xumaanayey saacadihii lasoo dhaafayna dilal ayaa dhacayey.