1- iska yarey in aad la socoto oo baar baarto mar waliba wararka la xiriira corona virus sax ahaantiisa sababtoo ah wax waliba oo la xiriira cdurkan hadda waad bartay,uma baahnid in aad sii raadiso Corona virus goormuu soo bilaabmay?,hadda wuu na dhexyaalaa cudurka waxaad u baahantahay in aad iska ilaaliso kaliya.
2-ha tirinin mar walba dhimashada dadka ee cudurka soo ritay,sababtoo ah ma ahan ciyaaro kubada cagta oo aad daawaneyso oodna la soconeyso goolasha la dhaliyay ,si aad u ogaato dhibcaha iyo guulaha ay kooxaha kala gaareen.
3-ha ka raadinin warar dheeraad ah internetka, sababtoo ah waxay daciifineysaa ama hoos u dhigeysaa qaabka uu u shaqeeyo caqligaada maskaxdaaduna u fikireyso.
4- ha kula wadaagin dadka kale social media ha sawiro iyo warar ar gagax leh oo la xiriira Corona virus ,maxaa yeelay dadku ma wada lahan awooda caqli ee kugu jirta,intaad caawin lahayd dadka waxaad u keeneysaa cuduro kale sida wel welka iyo istereska.
5-la cayaar ilmaha yar ka qosli,waqti sii,uga sheekeey sheekooyin,hadda Waa waqtiga ugu haboon ee aad la qaadan karto caruurtaada.
6-ku daddaal inta aad guriga joogto in aad raacdo talooyinka ay waaxda caafimaadka ku siineyso,sida in gacmaha la dhaqdo, caruurta iyo xubnaha kale ee qoyska ku kontrool fulinta gacma dhaqashada 20 daqiiqo kasta,kuna dhaji guriga darbiyadiisa qoraalo aad isku xasuusineysaan muhiimada gacma dhaqashada.
7- u fikir mar waliba dhanka positive ka arimaha kugu heereysan maxaa yeelay u fikirida dhan ka negative ka waxay hoos u dhigeysaa difaaca jirkaada.
8-joogitaanka guriga waa fursad uga faa,ideyso cibaado badan barashada qur,aanka iyo diinta.
9-wagti fiican seexo iskana ilaali dhafarka,maxaa yeelay dhafarka badan waxa uu hoos u dhigaa difaaca jirka.
10-ku dadaal adiga iyo xubnaha qoyskaada in aad qaadataan cunno isku dheelitiran,biyo ka badan kuwii horena ha la Cabo,isla markaana sameey jimicsi badan.
11-nadaafadu waa muhiim ku dadaal in guriga oo dhan la nadiifiyo,hawo faresh ahna maalin kasta ay soo gasho,qashinka iyo wasakhdana banaanka iskaga bixi.
12-intaas oo dhan waxaa ka muhiimsan in aad aaminto in dhibaatooyinka ay aduunyada soo Mari jireen,oo ay nolosha ka mid tahay ,corona virus uu ka mid yahay,aanna waligeed lagu jireynin xaaladaan oo ay dhamaan doonto mar uun, kana gudbeyso si nabad ah ,ciddii ilaah u qorana ay ku waxyeeloobeyso.
13-adkey mar waliba iimaankaada noqo qof ilaahey u dhaw kuna xeran saacad kasta.
W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.deeq)
Fariintan La wadaag asxaabtaada