Bandow, Caalamka oo dhan ayaa lagu soo roogaa, sababa badan awgoowd, lamana diidano.
Nin Siyaasiya ayaa Maanta yiri: Bandowgu 1. uma baahno in Gole la horgeeyo. 2. in la ansixiyo. 3. in la saxiixo. 4. waxa uu ka mid yahay “shaqo maalmeedka”.
Waa Runtii.
Bandowga Dadka.
a) Haddii Bandowgu yahay Mid Dadka khuseeyo, waa in Gole la horgeeyo, la isku raaco, la ansixiyo, kadibna la sheego Aaga uu khuseeyo, waqtiga iyo muddada uu dhamaanayo iyo Sababta keentay. waxaana ku dhawaaqi karo Heyadaha ku shaqada leh sida: Af hayeen Dowlo, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Duq Magaalo iyo Ciddii la maqaam ah.
Bandowga Xoolaha.
b) Haddii Bandowgu yahay Mid Xoolaha khuseeyo, waa runtaa Siyaasiyoow, waxa uu ka mid yahay “Shaqo Maalmeedka” Doorada ama Digaaga Makhribkii ayaa la xareeyaa, Xoolaha kalena habeenkii ayaa la xareeyaa, si looga badbaadiyo khatar ku dhici karto ,waana “shaqo maalmeed” ,uma baahno hab raacaa Bandowga Dadka oo kale. ( F.S: 1, 2 & 3aad).
waa Runtii siyaasiga, Bacdamaa uu bartay Cilmiga Xanaanada Xolaha veterinary, waa cilmi muhim u ah Dadka iyo Dalka. Laakin yeeyna isga kaa khaldamin Bandowga Lasaaro Beni aadamka iyo kan Xoolaha, waxa ey ku kala duwan yihiin, sida sharcigu u kala nidaamiyay.
mahadsanid.
Qore: Yahya Amir