Xafiiska Baarlamaanada Carabta, oo uu madax ka yahay Dr. Meshaal bin Fahim Al-Salami, Ahna Madaxweynaha Golaha Carabta, wuxuu qabanayaa shir Berri oo Axad ah, kuna beegan 19 bisha Abriil 2020.
Shirka ayaa sida la qorsheeyey looga wada hadli doonaa faafitaanka viruska cusub ee Corona ee dunida aafeeyey.
Si gaar ah Dawladaha Carabta ayaa ka arinsanaya sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Xakmeynta Caabuqaan,waxna looga qabto saameynta bini’aadannimo, Mida dhaqaale iyo tan bulshada ee ku aaddan dadka Carabta iyo saameynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha dalalka Carabta.
Dadka Lagu Marti qaaday Shirka ayaa waxaa ka mid ah Madaxa Xafiiska WHO ee Gobolka Bariga dhexe,Kaaliyaha xoghayaha guud – madaxa waaxda Arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee ururka jaamacada carabta.
Bilowga kulanka si loo soo bandhigi doonaa sida la filayo horumarin ku saabsan faafitaanka viruska Corona ee ka soo ifbaxay Waddamada Carabta, saameynta uu kuleeyahay qeybta Caafimaadka iyo waaxaha kale, iyo siyaabaha wax looga qaban karo, iyo dedaalada lagu caawinayo Waddamada Carabta si looga gudbo waxyeelada masiibadaas.
Xafiiska Baarlamaanka Carabta ayaa ka wada hadli doona Qaraar qabyo ah oo kusaabsan ka hortaga faafitaanka cudurka Corona ee dunida carabta, taas oo qeyb ka ah soojeedinta Madaxweynaha Baarlamaanka Carabta ee laxiriirta soo saarista sharci ku hagaya Carabta si loo xoojiyo Caafimaadka ka hortaga iyo Cudurada faafa ee dunida carabta, iyo afar Go’aano qabyo ah oo ku saabsan dabagalka dhacdooyinka qaar kamid ah wadamada carabta oo la kulmaya deganaansho la’aan.
Waxay si xun u saameysay musiibadaas, oo kala ah: Qaraar qabyo ah oo ku saabsan horumarintii arrinta Falastiin, Qaraar qabyo ah oo ku saabsan xaaladda Jamhuuriyadda Yemen, Qaraar qabyo ah oo ku saabsan Xaaladda Jamhuuriyadda Suuriya, iyo Qaraar qabyo ah oo ku saabsan xaaladda Gobolka Liibiya. Iyo dib-u-eegista waxa lagu gaadhay warbixinnada xaaladda siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo xuquuqul insaanka ee ka jira dunida carabta sannadka 2019-ka.