Post View....

Sheekh Shariif: “Waxaan ka horjeednaa wax kasta oo lagu baajinayo Doorashooyinka 2020/21..”

0
71

Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta oo Axada waxa ay kawada hadlay arimaha Soomaaliya sida Siyaasada, doorashooyinka iyo ololaha kahortagga faafitaanka Coronavirus.

Mas’uuliyiinta kulanka kasoo muuqdey waxaa kamid ah; Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka ahna hogaamiyaha madasha, safiirka EU-da ee Nicolas Berlanga iyo xubno kale oo uu ka midyahay Gudoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay madasha ayaa lagu soo bandhigay afar qodob oo dhinacyadda ka wada hadleen .

“Kulan ay yeesheen Xubno ka socday Madasha Xisbiyada Qaran uuna hogaaminayay Guddoomiyaha Madasha Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo danjiraha Midawga Yurub ee Soomaalia Ambassador Nicolas Berlanga ayaa looga hadley arimo ay kamid yihiin; 1. Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka. 2. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo asteeyay, aysanna dhicin wax muddo kordhin ah. 3. Xaqiijinta kuraasta loo qoondeeyay haweenka 4. Iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka CoronaVirus,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka danjiraha Midawga Yurub ee Soomaalia Ambassador Nicolas Berlanga.

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka dambe ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse waxaa la geliyey shaki weyn, maadaama aan wali lagu heshiin nidaamka iyo xeerarka muhiimka u ah hirgelinta doorasho Qof iyo Cod.

Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ee dalka iyo Xukumada ayaa wali ku adkaysanaya in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cof waxaana Dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga digay in ay sameyso Mudo kororsi marka lagaaro xilliga dooerashada.

 

About Author