Magaalada New York dalka Mareykanka ayaa ugu daran meelaha uu ku dhuftay Cudurka Corona Virus gudaha dalka Mareykanka.
600 oo dhimasho ayaa laga xaqiijiyay muddo 24 saac gudahooda ah, taas oo wadarta guud ee dhimashada noqotay 4,159.
8,327 kiis oo cusub oo coronavirus ayaa sidoo kale laga helay taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigaysa 122,031, sida uu sheegay Guddoomiyaha Andrew Cuomo.
Dowladda Mareykanka ayaa guud ahaan go’doon galisay Magaalada New York.