Allaha unaxariistee waxaa maanta oo sabti ah geeriyooday Halgamaagii weynaa Ee C/qaadir Cali Boolaay oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu saameynta badnaa Xilligii SYL.
Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Marxuum C/qaadir Boolaay.
INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Halgame Cabdulqaadir Cali Maxamed Boolaay oo ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wuxuu ahaa halgamaa iyo taariikhyahan waqti ku bixiyay xorriyaddii Soomaaliya, samir iyo iimaan allaha naga siiyo, isagana janatul firdows allaha ku abaal mariyo.