Guddoomiye kuxigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman ayaa maanta xilka la wareegay, kaddib markii xilkan uu saddex cisho ka hor uu Madaxweynaha u magacaabay.
Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta Aqalka dowladda Hoose ayuu Guddoomiye kuxigeenka cusub waxaa uu xilka kala wareegay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Mahad-Alle.
Waxaa munaasabadda xil wareejinta goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Gobolka Banaadir.
Labada Mas’uul ee xilka kala wareegayay ayaa kala saxiixay warqada xil wareejinta, iyadoo Guddoomiye kuxigeenka cusub uu la wareegay document shaqo oo ahaa shaqadii uu hayay Guddoomiye kuxigeenkii hore.
Shalay ayay aheyd markii uu xilka la wareegay Guddoomiye kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi, isagoo xilka kala wareegay Guddoomiye kuxigeenkii hore Aadan Sheekh Cali Fiidow
26-kii bishan ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaaday Guddoomiye kuxigeenada Maaliyadda iyo Howlaha Guud Ibraahim Mahad-Alle iyo Aadan Sheekh Cali Fiidow, waxaana lagu kala bedelay labo nin oo dhalinyaro ah.