Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada Maamulka Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) ayaa waxa uu maanta Lacag aan Tiradeeda la sheegin gudoonsiiyey Carruurtii uu ka dhintay Cumar Cabdulle Shooli.
“Waxaa Maanta Xafiiska iigu yimid Qaar ka mid ah ilmaha uu dhalay Abwaankii Waynaa ee Somaaliyeed Al Fanaan Cumar Cabdulle (Shooli) Sida uu maanulka Gobolka Banaadir horey ugu Balanqaaday Waxaan Gudoonsiiyay lacag uu Gobolka ugu Talo galay in ay iskaga bixiyaan Qarashaadkii Duugta
Ilaahay ha u Naxariisto Alfanaan Madaalahii hobolada Waabari Cumar Cabdulle ( Shooli) Amiin Yaa Rabi,Sidaas waxa yiri Ibraahim Mahad alle.
Allaha unaxariistee Maalmo ka hor ayuu Cumar Shooli ku xijaabtay Cusbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho,iyadoo la sheegay in Cudurada Macaanka iyo Dhiikarka uu udhintay.