South Africa waxa uu ka mid yahay dalalka addunka ee uu aadka u saameysay dhibaatada caabuqa Coronaviurs oo addunka oo dhami uu ka qeyliyay, waana dalka uu ugu saameynta badanyahay Qaaradda Africa oo dhan, tirada dadka uu soo riday dalkan ayaa gaareysa ilaa 1462 ruux, iyado tirda dhimshadana inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda ay tahay 5 ruux. waxaana xusid mudan in qof dumar ah oo Somali ah laga helay cudurkan magaalada xeebeedka ee Durban, iyadoo Somalida dalkan ay si weyn uga foojiganyihiin cudurkan dilaaga ah, ee halista ku ah aadanaha oo idil.
Madaxweynaha dalka Cyril Ramaphosa oo hadlay ayaa ku tilmaamay cudurkn in uu yahay musibo qaran, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay 23ki bishi tagtay in dalka badandow lagu soo rogay, kaas oo ka dhaqan galay dalka lagasoo bilaabo 26ki bishii March ee aynu soo dhaafnay, wuxuuna bandowga socondoonaa ilaaa 16ka bishan aynu ku jirno ee April, iyadoo hakad la galiyay dhammaan dhaq- dhaqaaqii dalka oo idil, marka laga reebo howlaha gurmadk iyo shaqada xarumaha caafimaad, goobaha laga dukaameysto, xarumaha shirkada isgaarsiinta iyo warshada soo saara cunnooyinka kala duwan ee daruuriga u ah nolosha bulshada.
Dowaldda oo dooneysa meel-marinta go’aankeeda ayaa ciidamo ku soo daadisay magaalooyinka waaweyn ee dalka si ay hubiyo dhaqan galka go’aanka xayiraaddii ay kusoo rogtay dhamman dhaqdhaqaaqi dadweynaha 19ka gobol ee dalku ka koobanyahay. Waxaa la arkayay ciidama oo gaaf wareegaya waddooyinka waaweyn kuwaas oo xeyn-xeyn u socda.
Dadka uu saameyta ku yeeshay go’aanka dowladda iyo dhibaatooyinka ka dhashay cudurkan Covid-19 waxa ka mid ah Somlida ku dhaqan dalkan kuwaas qaxooti ahaan uga diinwaangashan waddankan tiradooduna ay gaareyso 60 kun oo ruux, waloow inta haatan ku nool dalkan lagu qiyaasay ku dhawaad 30 iyo dhowr kun, sida ay ku sheegtay hey’adda u qaabilsan QM arrimaha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan UNHCR warbixin ay ka soo saartay xalaada qaxootiga ee dalkan ka dib booshaqo ay ku yimaadeen South Africa xubno ka socday hey’addasi bilowgii sanadkii 2018ka.
Dadka Somalida ee ku dhaqan dalkan, waxaa ku soo wajahay dhibaatooyin xooggan iyo xaalado adag,oo u baahan la garab istaago, waayo waxa ay ahaayeen dad ku tiirsanaa soo dhacsashada nolol maalmeedkooda shaqooyinka ay qabtaan maalin kasta, taasna waxaa meesha ka saaray bandowga dalka lagu soo rogay bishii hore. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay ka cabanayaan ayaa ah:
- In aysan jirin meel ay kasoo dhacsadaan nolol maamleedkooda.
- In ay ku adagtahay bixinta kirooyinka guryaha iyo goobaha ganaccsi ee xiran, maadaama uusan jirin dakhli iminka soo gala dadka.
- Dadka badankiisa ma heystaan wax dhigaal ah cunto ama lacag ay ku maareynaan noloshooda ugana baxaan xaaladdan adag ee soo food saartay.
Ugu dambeytii ma jiraan wax hey’ado ,iyo urruro NGO ah, ama hey’adaha dowladda oo isku howlay wax ka qabashada iyo yareynta dhibaatooyinka cusub ee lasoo dirsay dhamman dadka qaxootiga ah ee ku nool dalkan South Afirca, gaar ahaan dadka somalida ah kuwaas markii hore isku filanaa waliba lacago xoogan u diri jiray ehelkooda ku nool waddankii hooyo ee Somalia taas oo sameynta cudurka ka dhigeysa mid ah dhowr geesood.
Hassan Mutawakil