Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa la geliyay xaalad degdeg ah, kaddib markii la sheegay in xaaladiisa ka sii dartay, sababo la xiriira cudurka Coronavirus oo 10 maalmood ka hor uu ku dhacay.
Ra’iisul Wasaare Boris Johnson oo 55 jir ah ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada London, kaddib markii lagu arkay astaamo joogto ah.
Xafiiska NO 10 ee looga arrimiyo dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in Mr Boris loo dhaadhiciyay Isbitaalka qeybta xaalada degdega, kaddib markii uu qaatay taladii kooxdiisa caadimaadka, isla markaana uu haatan helayo daryeel wanaagsan.
Boqoradda Britain ayaa lala socodsiiyay xaalada caafimaadka Mr Johnson, waxaana Boris Johnson la siiyay Oksijiinka galabnimadii Isniinta, ka hor inta aan loo qaadan qeybta xaaladda degdega.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson uu sheegay inuu galay xaalad karantiil ah, kaddib markii laga helay cudurka Coronavirus, baaritaan lagu sameeyay.
Cudurka Coronavirus ayaa adduunka oo dhan fara ba’an ku haya, waxaana u dhintay kumanaan ruux, halka boqolaal kale oo kun uu soo ritay.