Falal amni darro ayaa caawa ka dhacay xaafado katirsan Magaalada Muqdisho iyado qof rayid ah la dilay, isla markaanay ciidamadu toogeen dabley la sheegay inuu ku hubeysnaa Bam gacmeed.
Dabley hubeysan ayaa maqribnimadii xaafadda Macmacaanka ee Degmada Dharkeynley ku dishay qof rayid ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cabbey, kaasoo la sheegay inuu ahaa Tubiiste, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay.
Dhinaca kale ciidamada Amniga ayaa Isgoyska Maanabolyo ee degmada Shibis ku toogtay nin ku hubeysnaa Bam Gacmeed xilli uu dmacsanaa inuu weerarro ciidamadaasi,.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ku sugnaa Isgoyska Afarta jardiin Bam lagu weerarray, iyadoo qaraxa Bam gacmeed uu dhaliyey qasaare dhaawac u badnaa.
Alshabaab ayaa sheegata inta badan weerarrada ka dhaca Muqdisho ee lagu khaarijiyo saraakiisha, mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka rayidka ah.