Qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa lasoo sheegayaa in waxyeelo kala duwan uu ka dhashay.
Ciidamo katirsan Taraafikada ayaa la sheegay in Bam gacmeed lagu hujuumay kuwaas oo kusuganaa Isgoyska Blacksea ee Degmada Hodan.
Dableey Bistoolado iyo Bambaanooyin watay ayaa weerarka fulisey,sida la sheegana waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 5 qof oo labo ay xaaladooda aad u liidatay.
Ciidamada Amniga ayaa goobta gaaray waxaana la hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka halkaasi muddo ay xirneyd xaalada ayaa caadi kusoo laabatay.