Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhambaal tacsi ah u diray dhiggiisa Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulahi Deni isagoo uga tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday daadadkii ku fatahay Magaalada Qardho.
” Aniga oo ku hadlaya Magaca Dowladda Galmudug, waxaan si dhaw murugada iyo xunaanka ula wadaagayaan ehelada iyo asxaabta dhammaan marxuumiintii ku shahiiday Musiibadii ka dhacday Magaalada Qardho. Intii geeriyootay Alle ha u naxariisto, inta ku Dhaawaca ah soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah, intii ku hanti beeshana bedel kheyr qaba Alle ha siiyo.
Ugu danbeyntii, Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu baaqay shacab weynaha Galmudug iney u gurmadaan walaalaha ku waxyeeloobay musiibada daadadka ku dhufay Qardho xilli lala daalaa dhacayo saameynta taban ee ka dhalatay cudurka saf mareynka ah ee Corona Virus.