Horaantii bishan waxaa si weyn usoo shaac baxay war argagax leh oo ku saabsan kufsi labo gabdhood oo aad u da’ yar loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, laakiin waxay dad badan isweydiinayaan waxa ilaa hadda laga qabtay kiiskaas.
Fa’za Shariif Nuur, oo ah wasiirka Wasaaradda Haweenka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed – oo degmada Afgooye ay hoos tagto – ayaa BBC-da u sheegtay in lay jiraan dad loo soo qabtay falkaas, halka kuwo kalena wali lagu raad joogo.
Hase yeeshee faahfaahin kama aysan bixinin caddeymaha loo hayo dadka la eedeynayo.
“Arrintaas, ka maamul ahaan, ka hooyo ahaan, ka gabar ahaan aad baan uga xumahay. Waxaan hadda ku jirnaa sidii dhammaan dadka ku lugta leh falkaas lagu soo qaban lahaa laguna horkeeni lahaa sharciga. Baaritaan badan ayaa socda, dadna waa lasoo qabtay, marka wixii faahfaahin ahna laamaha amniga ayaa soo bandhigi doona”, ayey tiri.
Waxay Fa’iza sheegtay in marka laga soo tago howsha laamaha amniga ay iyadu si shakhsi ah u wajaheyso arrintan.
“Aniga shaqadeyda waxay tahay inaan si bani’aadannimo ah, oo hooyanimo ah aan reerkaas u garab istaago, wixii aan ku caawin karo ku caawiyo, wasiirad ahaanna aan u garab taagnaado”, ayey sii raacisay hadalkeeda.
Labada gabdhood oo lagu soo warramay inay qaraabo dhow yihiin ayey da’dooda kala tahay 3 jir iyo 4 jir.
Isbitaalka Madiina ayaa lagula tacaalayaa xaaladdooda caafimaad, waxayna qoysaskooda ka muujiyeen walaac aad u weyn.
‘Falkii Afgooye ka dhacay Kufsi ma aha’
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo dhacdadan ka hadlay dabayaaqadii isbuuca ayaa sheegay in dowladda federaalku ay canbaareyneyso falkaaas, uuna yahay fadeexad ka dhan ah guud ahaan umadda Soomaalida.
Dhanka kalena wuxuu sheegay in arrintaas aan lagu tilmaami karin kufsi caadi ah.
“Waxaan erayada ugu adag ku cambaareyneynaa ficilka ka dhacay Afgooye ee lagu waxyeelleeyay, looguna xadgudbay labo carruur ah oo sabi ah. Waxa halkaas ka dhacay laguma sheegi karo waxa dadka qaarkiis ku tilmaameen ee ay yiraahdeen waa kufsi. Waa tacaddi iyo weerar loo geystay magaca Soomaaliyeed, loo geystay shacabka Soomaaliyeed, qof kasta oo Soomaali ah ayaa wajigiisa ceeb lagu dhigay”, ayuu yiri wasiirka.
Ficilkaas ayuu ku qeexay mid ay dad kale soo abaabuleen, oo ujeeddo kale laga leeyahay.
Isagoo taas ka hadlayana wuxuu wasiir Maareeye yiri: “Kulligeen waynu ognahay in waxa halkaas dhacay aanu kufsi ahayn ee uu yahay magac dil qof kasta oo Soomaali ah lagu sameeyay, oo la doonayo in dadka Soomaaliyeed laga dhigo dad aan bani’aadan caadi ah ahayn. Waxa sidaas doonaya ma aha Soomaali, laakiin waxaa la adeegsaday Soomaali damiir xun”.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in “dowladda dhexe ay ciidanka booliska iyo maamulka Goonfur Galbeed ku amartay inay soo qabtaan dadkii falkaas geystay iyo kuwii soo abaabulay labadaba”.
Sannadihii dambe waxaa Soomaaliya kusoo kordhay falal kufsi ah oo si weyn u qabsaday hadalheynta bulshada.
Hase yeeshee waxay dad badan ku doodayeen inay yartahay falcelinta dhinaca mas’uuliyiinta.
Mid ka mid ah falalkii kufsiga ee ugu hadalheynta badnaa Soomaaliya wuxuu ka dhacay Puntland, inkastoo dil toogasho ah lagu fuliyay eedeysaneyaashii tacaddigaas loo heystay qaarkood.
11-kii biihii Februry, waxaa Puntland lagu toogtay labo nin oo ka mid ahaa rag lagu helay dambi ah inay kufsi iyo dil u geysteen gabar yar oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan.
Raggan ayaa falka kufsiga iyo dilka ah magaalada Gaalkacyo ka geystay horaantii sanadkii hore ee 2019-kii.
Caaisha oo 12 jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay afaaka hore ee gurigooda, waxaana falkaas uu dhaliyay caro aad u ballaaran.
Nin saddexaad oo ka mid ahaa eedeysaneyaasha, horayna dil loogu xukumay ayaa markii dambe lasii daayau.