Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Axaadiis aad iyo aad u fara badan oo kuwona ay daciif yihiin kuwona ay been abuur yihiin ayaa soonka loo soo daliilsada, waxaana axaadiistaasi dusha loo saara in uu yiri: nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallam, nebiguna uu bari ka yahay, wuxuuna rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri, sida ku xusan saxiixul Bukhaari iyo Musnadka imaam Axmed soona weriyay Salama: qofkii iga sheega wax aan oran, haka diyaarsado naarta meeshii uu ka fadhiisan lahaa, yacni ka degi lahaa.
Axaadiistaas waxaa ka mid ah:
*Hurdada soonku waa cibaado, AlXaafid AlCiraaqi wuxuu xadiiskan ku daciifiyay kitaabkiisa takhriij Ixya’ culuumuddiin, sheekh Albaanina wuxuu ku daciifiyay daciiful jaamic.
*Qofkii hal maalin ka afuro bisha Ramadaan cudaddaar la’aan, ma gudi karo xataa hadduu soomo hal sano, imaam Nawawi wuxuu xadiiskan ku daciifiyay Al Majmuuc, sheekh Albaanina wuxuu ku daciifiyay daciif sunnan ibnu Maaja.
*Rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu oran jiray markuu afuro: Allahumma laka sumtu wacalaa risqika afdhartu (Rabbiyow daraaddaa ayaan u soomay waxaana ku afuray risiqaaga), imaam Nawawi wuxuu ducadan ku daciifiyay AlAdkaar, sheekh Albaanina wuxuu ku daciifiyay daciiful jaamic, haseyeeshe ducada saxda ah oo aan soo sheegnay waxay tahay, sida ku xusan sunnooyinka abu Daawuud soona weriyay Cabdullaahi bin Cumar, wuxuuna Cabdullaahi yiri: nebiga sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu oran jiray markuu afuro: Alxamdu lillaahi, dahaba damu’, wabtalatil curuuqu, wathabatal ajru inshaa Allaahu tacaala, (Rabbi baa mahad iska leh, harraadkii waa tegay, xididdaduna wey buuxsameen, ajarkiina wuu sugnaaday, Allaha weyne idankii), sheekh Albaanina wuxuu ku taxsiiniyay kitaabkiisa saxiix abu Daawuud.
*Sooma waad caafimaadeysiin, AlXaafid AlCiraaqi wuxuu xadiiskan ku daciifiyay takhriij Ixya’ culuumuddin, Ashowkaanina wuxuu ku daciifiyay AlFawaa’id AlMajmuuca, sheekh Albaanina wuxuu ku daciifiyay daciiful jaamic.
*Rajab waa bishii Allah, shacbaana waa bishayda, Ramadaana waa bishii ummaddayda, Ashowkani wuxuu xadiiskan ku daciifiyay AlFawaa’id AlMajmuuca, ibnu Jowsina wuxuu kitaabkiisa AlMowduucaat ku sheegay in xadiisku yahay been abuur, Albaanina wuxuu ku daciifiyay daciiful Jaamic.
*Bisha Ramadaan bilowgeeda waa naxariis, bartankeeduna waa denbi dhaaf, aakhirkeeduna waa naarta oo layska xorreeyo, ibnu abi Xaatim wuxuu xadiiskan ku daciifiyay Cilal AlAxaadiith, Albaanina wuxuu kitaabkiisa daciiful jaamic ku sheegay in xadiisku yahay munkar, axaadiistu wey badan yihiin haseyeeshe intaas ayaan ka soo qaadanay, waa inoo berri iyo qaybtii 4aad inshaa Allah.
Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)