Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saamaynta ballaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac ballaaran ayaa waxaa uu Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar:
Guddigaan oo ka kooban 24 Xubnood ayaa laga soo xalay Xubnaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland,kuwaas oo bilaabo doona howlo loogu gurmanaya Shacabka Khardho,waxaana ay kala yihiin.
- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)
- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska
- Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda
- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha
- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
- Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska
- Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA
- General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha
- Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
- Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi
- Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye
- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre
- Siyaasi Cali Abdi Awaare
- Guddomiyaha Gobolka Karkaar
- Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
- Guddomiyaha Degmada Qardho
- Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda
- Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.
- Axmed Cabdi Hurre
- Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)