Madax adeega Joojiya Ooyin iyo Tacsi maalin kasta ku jiri ma karnee ee ku dhaqma Talooyiinka la idiin siiyay.
Alaha u naxariiso inta Soomaali ku dhimatay qurbaha una dhimatay Cudurka Koronafirus.
Waxaan leeyahay Alla yaa Raxma samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo.
Soomaalida dhowr jeer ayaa loo digay laguna waaniyay in ay si adag ugu dhaqmaan talooyinka ku aadanaa ka hortagga iyo la dagalaanka Cudurka dilaaga safmareenka Koronafirus laakiin waxaan aragnaa in ay ka dhaga adkeeyeen.
Waxaan ku celinayaa in xaalka Koronafiruuska uusan kow joogin siiba kuwooda ku nool Mareekanka iyo Ingiriiska oo wadamadaas laga sadaalinayo xaalad aad u daran oo ka daran midda Talyaaniga qabsatay.
Waxaan kula talinayaa Soomaalida in ay indhaha furaan dhaqankooda bulshadeedna badalaan, qaataana talooyinka ku aadan ka hortagga Cudurka Koronafirus.
Muwaadaniin badan ayaa naga dhinteen waana ayaan darro iyo ooyin in ay micna darradaan u sii dhintaan ubadkeena, caruurteena, Waalidkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed.
1) Qaata ee ku dhaqma Talooyinka
2) Qof kasto aad taqaaniin ka shakiya in uu
wado
Cudurka Koronafiiruska
3) Guriga joog oo bax marka aad rashinka soo
gadanaysid.
4) Caruurta guriga ku hay.
5) Ha booqan guryaha kale.
6) Yaan lagu soo booqan xataa haka
ogolaan kuwa aad dhashay oo gurya kale
ku nool in ay ku soo booqdaan.
7) Hadii ee wayeel ama qof xanuun daba
dheeraaday Chronic disease uu kula nool
yahay u naxariiso ee ka ilaali in lasoo
booqdo.
8) Dadka aad rabtid kula xariir telefoon.
9) Tacsi aad maalin kasto dirtid waxba kuu tari
mayso ee adiga iska bilaaw in aad qaadatid
Talooyinka laguu soo jeediyay.
10) Ma waxaad sugaysaa in geeridaada laga
tacsiyeeyaa.
Walaalayaal qoraalkaan yar gudbiya ee ogaada Ilaahay SWC ayaa geeri iyo nolol haaya hase ahaate dhaqan xumadiina Ilaahay ha ku masabidina.
Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.