Dawlad Gobolleedka HirShabelle waxaa ka taagan Xasarad ka dhalatay Mas’uuliyiin Shaqo joojin lagu sameeyey Saacado ka hor.
Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray Shaqada kaga joojiyey Wasiiru dowlihii Dastuurka Maamulka HirShabelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka.
Warar is khilaafsan ayaa waxay sheegayaan in Labo Arin Midood Xilka looga qaaday Wasiirkaasi,iyadoo Buuq uu ka dhashay Xilka xayuubintaas.
Saadaq Mukhtaar Cabdulle oo sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsan HirShabelle ayaa waxa looga shakiyey inuu abaabulayey isku soo sharaxida Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaas oo hadda Cali Guudlaawe ku fadhiyo.
Sidoo kale waxaa lagu heystay ka qeyb galka Munaasabad lagu taageerayey Wabarka Cusub Ee Beesha Agoonyar Gaabane,oo dad ubadnaa Beeshaas ay ka qeyb galeen.
Madaxweyne Waare ayaa ku sheegay in Wasiirka uu jebiyey Amarkii Mamnuucida in la iskugu yimaado Kulamada iyo Xafladaha balse Labadaas Arin ayuu sababsaday Xilka Wasiirkaasi sida dadka lagu kalsoon yahay ay inoo sheegeen.