Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya waxaa xalay labo kiis oo Covid-19 ah laga helay labo Gabdhood oo Soomaaliya, mid ka mid ah ayaa geeriyootay, halka tan kale Ciidamada Kenya oo kaashanaya Howlwadeenada Caafimaadka ay u qaadeen goobaha loogu talagalay dadka uu haleelo cudurka.
Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Islii oo ay u badan yihiin waxay sheegeen in Labada Haween lagu soo booday isla markaana middood ay u dhimatay ka hor inta aan loo qaadin Goobaha Caafimaadka.
Ciidamada Kenya ayaa isku gedaamay Xaafadda dhacdadaan ka dhacday, waxayna Wararku sheegayaan in baaris lagu wado shaqsiyaadka la kulmay Gabdhahaan, maadaama cudurka uu yahay mid la isku gudbin karo.
“Mar qura waxaan maqalnay Gaaadiidka Gurmadka deg dega ah, waxaana qaybta hoose ee xaafadda la soo dhigay Ciidamo Booliis ah, muddo kooban kadib waxaa Gawaarida Ambalaasta ka soo degay dad guud ahaan jirkoodu daboolan yahay oo haweeneyda dhimatay iyo tan xanuunsan ku kala qaaday labo gaari” sidaasi waxaa sheegay dadka Islii.
Muuqaal toos ah oo ay ka duubayeen dadka xaafadda Islii oo ay deris ahaayeen Gabdhahaan waxa ka muuqday Haweeneyda dhimatay oo la saaray sariirta Gaadiidka Gurmadka deg deg ah, waxaana sidoo kale la qaadayo Gabadha kale ee xannuunsan.