Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa magacaabay taliyaha cusub ee qeybta NISA ee gobolka Banaadir.
Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, agaasime Fahad Yaasiin ayaa xilkan u magacaabay sarkaal lagu magacaabo Yaasiin Farey, oo ahaa madaxii ilaaladiisa gaarka ah.
Xilkan ayaa waxaa 3-dii March laga qaaday Ibraahim Macallin, ayada oo aan wax sabab ah la sheegin.
Yaasiin Fareey ayaa la sheegay inuu yahay nin dhallinyaro, oo howl-kar ah, islamarkaana leh taariikh wanaagsan oo wax qabad, isaga oo muddo lasoo shaqeynayey hay’adda.
Hay’adda NISA ayaa martay is-beddelo dhowr ah oo kala duwan tan iyo markii uu hoggaankeeda qabtay Fahad Yaasiin, kuwaasi oo lagu hagaajinayo shaqada hay’adda.
Is-bedelladan ayaa laga dareemay magaalada Muqdisho, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay magaalada.