Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa kasoo baxayaan duqeymo la sheegay inay xalay ka dhaceen degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe,kuwaas oo lala eegtay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duqeyn la beegsadeen Xarun Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jamaame,halkaas oo uu sheegay in lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Xaruntaasi ku sugnaa.
Waxaa uu sheegay Sarkaalka in ilaa iyo Lix Gantaal ay diyaaradaha ku duqeeyeen degmada Jamaame,iyaga oo kaashana Ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan Gobolka Jubbada Hoose.
Dhinaca kale Diyaarado dagaal ayaa waxaa la sheegay inay duqeyn labaad ka fuliyeen degmada Bu’aale oo ah Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda uu sheegay in dagaal uu dhex-marey Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkaasi lala beegsaday Xarumo ay ku sugnaayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana lagu diley Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.
Si kastaba tira dhowr jeer ah ayaa diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka oo garab ka helayo Ciidamada dowladda waxaa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose,iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Xarumo Al-Shabaab,