Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey inay hakisey qabashada codsiyada baasaboorka sababo la xiriira digniinaha caafimaad ee la soo saarey iyo ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Qoraal kasoo baxey hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladaha Cudurka Corona ee saameeyey isku socodka iyo Shaqooyinka kale ee dowladda aawgeed la hakiyey codsiyada qabashada baasaboorka.
“Digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Caabuqa Karoonaha oo saameeyey isku socodka iyo xaafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka awgood, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in laga bilaabo maalinimada Talaadada ah, taariikhduna tahey April 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.
Hay’adda ayaa sheegtay inay dib kasoo sheegi doonto xilliga la bilaabayo bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo Bulsho farabadan ay Maalin walba ka qaataan xarumaha Hay’addu ku leedahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay qaadeysay tallaabooyin dhowr ah oo ku saabsan ka hortaga Cudurka Corona,iyada oo joojisey duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee imaan jirey Soomaaliya iyo kuwa ka bixi jiray.