Muqdisho:-Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn xalay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ee gowlgalka AFRICOM.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay iska kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.
Howgalkan oo dhacay 5-tii bishan ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda in lagu dilay sideed ruux oo ka tirsanaa dagaalamayaasha A-Shabaab.
“Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn xalay ay ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose ku dilay 8 horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.