Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Beeraha Jubbaland Mahad Muxuyadiin (Mahad Asal) ayaa wareysi aan caawa la yeelanay waxa uu ka waramay Xaaladiisa Caafimaad.
Wasiir Mahad oo galabta la shaaciyey in laga helay Caabuqa Covid 19 ayaa sheegay inuu weli gurigiisa kusugan yahay balse Madaxda Jubbaland ay Caawinaad ballaaran ufidiyeen.
Waxa uu sheegay in 8 Maalmood uu ku karantiilnaa Qolka Gurigiisa,islamarkaana hadda uu soo kabasho ku jiro waa sida uu warka udhigay.
Wasiirka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inaysan beensan Cudurka uuna yahay mid jira oo la rumeysto,isagoo sheegay in wax safar ah ku bixin muddo uuna Kismaayo kusugnaa.