[youtube https://www.youtube.com/watch?v=FOOb6fia8T8]
Waxaan codsaneynaa inaad nagu caawisaan inay yaraadaan tirade dadka
booqanaya xafiiska shaqada intuu jiro cudurka baahay ee Corona.
Waxaan rabnaa in shaqadoonku isticmaalaan arbetsförmedlingen.se ama wacaan
telefoon nr 0771-714 714 si loo caawiyo.
Waxaad isku qori kartaa arbetsförmedlingen.se haddaad shaqo doon tahay adoo
adeegsanaya aqoonsiga elektrooniga ah (e-legitimation). Waxaa kale oo aad
halkaa ka heli kartaa adeegyo kale oo kaa caawinaya sidaad shaqo ku heli lahayd.
Waxaan rabnaa inaan yareyno mustaqbalka adeegga laga heli karo barta
qaabilaadda macaamiisha ee xafiiska shaqada(Kundtorg). Hadda adeegga la heli
karaa waa sida soo socota
- Waxaan qaabili karraa keliya booqashada qofkii raba inuu shaqadoon isu diiwaan
geliyo oo aan haysan aqoonsiga elektroonik ah (e-legitimation) - Kaama caawin karro adeeg guud ama xog guud iyo sida shaqada looga baarto
computerka haddaad timaadid barta qaabilaadda macamiisha (kundtorg) - Waa la joojiyey isticmaalka computerada macaamiisha xafiiska shaqada ee
shaqada laga baaran jirey.
Waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyey inaad bil walba soo gudbiso liiska
shaqooyinkii aad dalbatay.
Waxaa sidoo kale la joojiyey mudadaas in la wargeliyo
Sanduuqa cawil celinta shaqa láaanta (akassor) iyo in la ganaaxo dadka ka qayb
qaata barnaamijyada lacagta lagu qaato (aktivitetsstöd).
Mahadsanidin!