Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay Galabta Shirkii jaraa’id ay ku qabatay Muqdisho waxay sheegtay in dadka Cudurka Covid 19 udhintay Gudaha Soomaaliya ay 3 qof gaarayaan tirada soo korortay 26 Qof ayeyna isku tageysaa intii hore markii loo geeyo.
Balse Wasaarada waxay Duhurnimadii maanta soo bandhigtay Warbixin qoraal ah oo Boggeeda lagu daabacay Facebook ay ku sheegtay in 9 Qof ay 24-kii saac lasoo dhaafay cudurka udhinteen.
DHEGAHA IYO AFKA AAN IS MAQLIN AYEY XUBNAHA WASAARADA NOQDEEN
Wasiir Fowsiya Abiikar waxay sidoo kale sheegtay in wacyi gelinta ay halkeedii tahay oo ay dadka ugu baaqayaan inay taxadarka badiyaan oo farxalka gacmaha iyo Nadaafada ku dedaalaan.
Wasaarada Caafimaadka Dalka ayaa shaaca ka dhigtay in ay ku dedaalayaan sidii Cudurkaan looga hortegi lahaa ilaa xad oo bulshada looga bad baadin lahaa.
44 Qof ayaa laga helay 24-kii saac lasoo dhaafay Gudaha Soomaaliya,waxaana 40 ka mid ah ay dadkaas kusugan yihiin Muqdisho,halka Puntland Afar kiis laga soo sheegay.
Weli Ragga ayaa ah kuwa ugu badan Ee Cudurka haleelayo,35 ka mid ah dadkii ugu dambeeyey Cudurka waa Rag iyadoo 9 ay dumar yihiin,waxaa jirta dhowr qof oo kasoo caafimaadka Covid 19.
Tirada Guud Ee Cudurka Corono Gudaha Soomaaliya waxay hadda mareysaa oo Diin waan gelinta Wasaarada Caafimaadka ku jirta 480 Qof.