Hogaamiyaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Amar ku bixiyey inaan lasoo geli karin Madaxtooyada Kismaayo.
Waxa uu sheegay Warkaan Axmed madoobe markii uu maanta dib ugu laabtay Caasimada Jubbaland Ee Kismaayo.
Si looga taxadaro Caabuqaan Covid 19 ayuu sheegay in qofkii dan muhiim ah kasoo gasho uu taleefoon kala hadli doono,si loo yareeyo faafida Cudurkaan.
Waxa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan Jubbaland inay qaataan Fariimaha Wacyi gelinta islamarkaana loo hogaansamo arimaha la xiriira Covid 19 iyo talooyinka loo soo jeedinayo.