Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa $1 milyan oo dollar ugu deeqdey shacabkii dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaadihii Magaalada Qardho
Dhinaca kalena Puntland ayaa iyaduna sheegtay in deeqdaasi ay soo gaadhay islamarkaan ay u mahadcelinayaan madaxda Dowlada soomaliya
“Waxaa nasoo gaartay lacag 1Milyan oo dawladda federaalku soo dirtay taas oo loogu tallo galay gurmadka Qardho waan uga mahadcelineynaa deeqdaas” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.
Inta la xaqiijiyey daadadkii habeen hore ku rogmaday Xaafadaha Magaalada Khardho ayaa waxaa ku geeriyooday 6 Ruux halka ay ku hanti beeleen Boqolaal qoys sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Qardho.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay tegay Magaalada Khardho ayaa xalay Magacaabay Guddi ka qeyb qaata gurmadka loo sameynayo dadka ka cararay daadadka Magaalada Khardho.