Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Galabta in wixii Hadda ka dambeeya Sheybaarka Qaranka lagu hubin doono Caabuqa Covid 19 dadka uu haleelo.
Wasiirka Caafimaadka Dalka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisey in Dawlada Soomaaliya ay ku dedaashay Helida Qalabkaan oo baahi weyn loo qabay.
Wasiir Fowsiya ayaa hoosta ka xariiqday inay ka war qabi doonaan Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed islamarkaana ay Hay’ada WHO xiriir dhaw la leeyihiin si Cudurka Corono looga hortego.
Waxa uu sheegay Sidoo kale Sargaalka Katirsan Wasaarada Caafimaadka in Qalabkaan lasoo gaarsiiyey Dawlada islamarkaana wixii Kenya loo qaadi jiray Dheecaanka Dadka laga shakiyo laga gudbi doono.
Ilaa 7 Kiis dad qaba ayaa Cudurka Corono laga helay,2 Waa Ajaanib halka shanta kale ay Soomaali yihiin midkood ayaana Muqdisho kusugnaa afarta kalena waxay ahaayeen Kuwo Dibada ka yimid.