Banaanbax Ballaaran oo ay dhigayaan dadweyne fara badan ayaa waxa uu ka socdaa Magaalada Muqdisho meelo ka mid ah.
Dibad baxaan ayaa waxaa la sheegay inay dhigayaan dhalinyarada Bajaajleyda Muqdisho kuwaas oo sheegay inay lacago ay heli jireen waayeen oo Bandowga uu saameeyey.
Waddooyinka muhiimka ah Ee Caasimada ayey Xirteen Banaanbaxayaasha,waxaana ay diideen Gaadiidka inay isticmaalaan.
Xitaa Gaari C/bile ah oo Ciidamada Dawlada la socdeen ayaa la is hortaagay oo ay sababtay in Ciidankii lug ku gudbaan oo gaariga ka deggaan.
Waxay sheegeen dadka isku soo baxay inaysan udul qaadan karin Bandowga Habeenkii saaran Caasimada gaar ahaan 8:00 Fiidnimo kuna sheegeen in dadka qaar ay noloshooda ku tiirsaneyd inay Habeenkii shaqeystaan.