Warbixinta Cusub Ee Galabta Wasaarada Caafimaadka Shaacisey waxay aheyd in Cudurka 24-kii saac lasoo dhaafay laga helay dad gaaraya 48 Qof oo 31 rag 17 Dumar ah.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur waxay sheegtay in 41 Kiis ay ku nool yihiin Muqdisho,Jubbaland 3 Qof iyo Koonfur Galbeed oo Afar Qof laga helay deegaanadooda,iyadoo Dawlad Gobolleedyada Dalka uu ku faafay Cudurka.
Shan Qof ayaa ka caafimaaday Cudurka,Labo Qof ayaana 24-kii saac ee lasoo dhaafay Udhintay Cudurkaan sida ay Wasaaradu shaacisey.
FAAH FAAHIN BADAN NAGA FILO IYO CODKA WASIIR FOWSIYA INSHA ALLAAH