Galabta waxaan tagay Deg. Xamarweyne si aan uga soo adeegto Af furka ka hor, waa run Magaalada Lacag yari ayaa ka jirto, qeyb badan oo Lacagtii Suuqa ku wareegaeysay waxey la tagtay Mashruucii FOREX , kadibna Corono ayaa yimid oo yareeyay Lacagihii Xawaaladaha ee qaraabada iyo saaxiibadu soo diri jireen, intii yareed ee Dadka u hartayna waxa ey bilaabeen in ey tashiilaan.
Dadku waxa ey ku xoonsanaayeen Goobaha lagu iibiyo kaluunka, khudaarta, Sambuusiga iyo Cuntada kale. Waxa aan arkay saf kale oo aan la yaabay, Dad ku xoonsan waddada dhaxdeeda Goob lagu iibinayay ” Daroogada Taabuuga” , waxaan weeydiiyay Ninkii iibinayay, Sababta loogu xoomayo, waxa uu igu yiri: Dadaa ku Af furayo, Adigu maxaad ka rabtaa? waxaa uu ii raaciyay Suuqa ayuu ku sii yaraanayaa, hore Xirmadani ( F.S: 1& 2aad) waxa uu ahaa qiimaheedu 5 Dollar, Hadda waa 30 Dollar, sidii Corono u dilaacay, waxaa is tagay Dayaaradihii, Hargesa ayaa laga keeni jiray, hadda dhulkaa lagu keenaa.
Ar kanaa Corono ka daran, Corono Qofkuu kaa dilaa waadna ka samirtaa, kanu Qofka ayuu ka dhigaa Meyd kula Nool, waa mukhaadaraad halis ah, oo keeno Kansarka Afka iyo Caloosha, Qofkana ka dhigo maqane joogo, hadduu la qabsadana aan dhaafi karin.qeybta weyn waxaa ku dhax jiro midka yar yar ee Afka la gashado ( F.S: 3 & 4aad)
wasiirkii hore ee Ganacsiga ayaan uga mahadceliyay markuu yiri: Dalka waan ka mamnuuceeynaa, laakin. go’aankaasi ma fulin, mar kale ayaan codsanayaa in go’aankaas la fuliyo. sida ku dul qoran Dalka Hindiya ee lagu soo saaro Nuucaan Laguma iibiyo Gudaha Hindiya, waxaa loogu tala galay in dibadda loo dhoofiyo oo kaliya, waxaa kale oo ku dul qoran, khatartiisu waa ka badan tahay sida aad u maleeynee.
Codsi kale, maanta waxaan soo ogaaday in Deg.Xamar weyne uu Cudurka Coronuhu aad ugu fidayo, Dad badan oo da’ ah ayaa maalin kasta Cudurkaan ugu geeriyoodo, Guryaha oo ciriiri ah, Dadbadanina ey ku wada noolyihiin, dhalinyaradii oo ka tagatay wadanka ayaa waayeelkii oo kaliya ku haray. Sidoo kale waa in aan ka hortaga lagu soo koobnaan Mogadisho oo kaliya, Magaalada Marko Cadeey iyadana culuuys Corono ayaa laga soo sheegayaa.
waxaan codsanayaa in aan u wada gurmano, sidii Taabuuga loo joogin lahaa iyo in loo gurmado Reer Xamarweyne oo xaalkoodu aad u liito iyo Magaalooyinka Gobalada sida Marko.
Cudurka ummadda Alla ha ka Najeeyo.Aamiin.
Qore:Yahya Amir.