Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aysan la ahayn in sare ay u kacday tirada dadka wacaya lambarada degdegga ah si ay wax oga ogaadaan daawada jeermiska disha ee uu soo jeediyay in lagu daweeyo bukaanada uu ku dhacay coronavirus.
Barasaabyada gobollada Michigan iyo Maryland ayaa Axaddii ku eedeeyay madaxweynaha inuu horseeday in ay soo bataan dadka soo wacaya lambarada loogu talagalay xaalafaha degdegga ah ee raadinaya xogta dawada uu Trump soo jeediyay.
Ka dib dhaleeceynta ugu timid dhinaca dhakhaatiirta, Trump wuxuu sheegay in hadalkiisa “la buunbuuniyay isagana uu sarbeeb ahaan uu u dhahay”.
Daawada jeermiska disha waa mid halis ah oo lagu sumoobi karo waa haddii la liqo.
Weriye ayaa Trump weydiyay in xarunta wicitaanka degdegga ah ee Maryland ay heshay boqolaal qof oo soo wacaya oo codsanaya in talo laga siiyo hadalka madaxweynaha ee dareerahaas jeemiska dila.
Wuxuu ku jawaabay “ma filayo arrintaas, mana umaleynayo in arrintaas ay dhacdo”.
Markii wax laga weydiyay inuu qaado mas’uuliyadda ah inay soo bateen wicitaanka degdegga ah, wuxuu ku jawaabay: “Maya, aniga ma qaadayo masuuliyadda arrintaas”.
Barasaabka gobolka Maryland ee dalka Mareykanka wuxuu sheegay in xafiiskiisa uu shacabka u diray digniin ah in aysan adeegsan daawada jeermiska disha ee uu madaxweynaha ku taliyay in lagu daweyn karo coronavirus.
Toddobaadkii la soo dhaafay madaxweyne Trump iyo guddiga qaran ee ka hortagga Covid-19 waxay warbaahinta kala hadleen faafaahinta fayraska korona iyo daraasaadka cudurkaasi la xiriira.
Wuxuuna madaxweynuhu sheegay in daraasad ay dowladda Mareykanka sameeysay lagu ogaaday Ileyska cadceedda iyo Kuleylka in faayraska Covid-19 ay degdeg uga hortagayaan.
“Daraasaddu waxay sida oo kale sheegtay in dareeraha gacmaha lagu dhaqo uu faayraska shan daqiiqo gudahood ku dilayo, waxaana dhammaantood ka degdeg badan alkoolka dareeraha ah,” ayuu yiri Trump
Sida oo kale Trump wuxuu ka dhawaajiyey in meydka dadka cudurka u dhinta lagu meyro ileyska loo yaqaanno UV ee jeermiska dila, fikirkaasi oo ay dhakhaatiirta ka hor yimaadeen oo ay diideen.
Madaxweynaha wuxuu cambaareyn xooggan kala kulmay dhakhaatiirta caafimaadka caalamka kaddib markii uu soo jeediyey in daraasad lagu sameeyo in dawada Jeermiska disha lagu daweyn karo Coronavirus.