Post View....

Coronavirus: Corona: Xayiraadda Hindiya oo musiibo bina’aadannimo isu badeshay

0
51

Markii aan telefoonka kula hadlay waxaa uu ku soo laabtay tuuladiisa oo ku taalla waqooyiga gobolka Rajasthan, isaga oo ka soo laabtay Gujarat, oo uu ka ahaa fundi.

Xilli ay qoraxda aad u kulushahay, Goutam Lal Meena ayaa waxaa uu ku lugeeyay laamiga isaga oo xiran kabo dacas ah.

Stranded workers

Intii uu waddada ku jiray waxaa uu sii cunayay buskud iyo biyo uu watay.

Magaaalada Gujarat, Mr Meena maalinkii waxaa uu ku shaqayn jiray 400 rupees oo u dhiganta ($5.34) islamarkana lacagtan inteeda badan waxaa uu u diri jiray qoyskiisa.

Shaqooyiinkii uu hayay iyo gunnooyiinkii uu heli jiray ayaa meesha ka baxay ka dib markii ay xukuumadda Hindiya soo rogtay 21 maalmood oo xayiraad ah 24 bishii March si looga hortago feyriska Corona.

Xannibaadda lagu soo rogay gaadiidka ayaa ku qasabtay Mr Meena in uu lugeeyo.

“Maalinkii iyo habeenkii oo dhan ayaan socday, ma aanan lahayn khiyaar kale oo ii furan, lacag yar ayaan watay islamarkana ma sidan wax cunno ah ,” Meena waxaa uu sidaa u sheegay BBC.

Safar dheer

kaligii kuma aha safarkan, guud ahaan dalka Hindiya ayuu ka socdaa, malaayiin ah dadka muhaajiriinta ayaa magalooyiinka ka qaxaya islamarkaana tuulooyiinkii ay markii hore ka yimaadeen.

Shaqaalahan aan rasmiga ahayn ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha magaalooyiinka waawayn, waxaana ayna shaqaalahan qabtaan shaqooyiinka dhismaha guriyaha, karinta cunnada, tima jaridda, iyo goobaha cillaan saarka.

Dadka waxay ka soo baxsadeen faqriga ka jira tuuloyiinkii ay ku noolaayeen islamarkana intooda badan dadkan oo tiradooda lagu qiyaasay 100 milyan waxay ku nool yihiin xaafado ciriiri ah.

Shaqaalaha aan rasmiga ahayn ayaa waxay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha magaalooyiinka waawayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionShaqaalaha aan rasmiga ahayn ayaa waxay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha magaalooyiinka waaway

Xayiraaddii la soo rogay toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayaa shaqaalahan habeen qur ah u badala inay qaxooti noqdaan.

Waxaa la xiray goobihii ay ka shaqayn jireen islamarkana inta badan shaqaalaha iyo qandaraaslayaashii ayaa meesha ka baxay.

Rag ,haween iyo caruurba waxaa ay billaabeen in ay lugeeyaan toddobadkii aanu soo dhaafnay una hayaamaan tuulooyiinkii ay ka yimaadeen.

Waxay gacmaha ku qaateen wixii hanti ah oo ay lahaayeen , gaar ahaan cunno, biyo iyo dhar.

”Hindiya waa guri socda’

Markii ay caruurta lugta ka daaleen waxaa dhabarka ku qaaday waalidiintooda .

Maalinkii qorraxda ayay soconayeen halka habeenkii ay dayaxa iftiikiisa ay ku hoos socon jireen.

Qaar badan oo dadkan ka mid ah waxay sheegeen in lacagtii ay ka dhamaatay ayna ka baqeen in ay macaluul u dhintaan.

“Hindiya waa guri socda,” waxaa sidaasi cinwaan looga dhigay warbixin uu qoray wargeyska Indian Express.

Qulqulka dadkan ayaa waxaa uu la mid yahay kii dhacay xilligii ay Hindiya u kala qaybsanaysay dhowr qaybood sanadii 1947.

Qulqulka dadkan ayaa waxaa qeyb ka ah caruurLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQulqulka dadkan ayaa waxaa qeyb ka ah caruur

Dhibaato bina’aadannimo

Xaqiiqadii , xayiraaddii looga gol lahaa in looga hortago feyriska Corona ayaa isu badalay musiibo bina’aadanimo.

Dadka ay saameeysay xayiraadan ay soo rogtay dowladda Hindiya waxaa ka mid ah haweenay jirta 90 sano oo qoyskeeda ay boonbalooyiinka ku iibin jireen meel ka baxsan magaalada Delhi.

Kajodi waxaa ay la lugeynaysay qoyskeeda oo ka soo jeeda Rajasthan, oo u jirta Delhi 100km, islamarkana intii ay safarka ku jireen ay cunayeen buskud iyo biyo.

Waxay sidataa ul ay u kaalmaysanayso socodka waxa ayna lugeynaysay 3 saacadood markii uu la kulmayay wariye Salik Ahmed .

“waxay sheegtay in ay awoodi lahayd lacag ay gaadiid ku raacdo haddii ay jiri lahaayeen gaadiid shaqaynaya ,” .

Dadka kale ee waddooyiinka lugeynaya waxaa ka mid ah wiil yar oo jira 5 sano waxaa uuna isaga oo aabihii la socda uu lugeynayay 700km .

“Marka uu gabalka dhaco waan joojinaynaa oo waan seexanaynaa ,” waxa sidaasi wariyaha u sheegay Barkha Dutt.

Haweeney ayaa la socta seygeeda iyo gabadh 2 sano iyo bar jirta islamarkana waxaa boorsada ugu jira cunno, dhar iyo biyo.

“Waan haysanaa meel aan joogno laakiin ma haysano lacag aan cunno ku gadano ,” ayay tiri.

Kajodi DeviLahaanshaha sawirkaSALIK AHMED/OUTLOOK
Image captionKajodi Devi oo 90 jir ah oo ka soo lugeysay Delhi

Barasaabka magaalada Arvind Kejriwal ayaa ugu baaqay shaqaalaha in aysan ka tagin caasimadda .

“Jooga goobta aad ku sugan tihiin , sababtoo ah marka ay dad badan isu yimaadaan waxaad halis ugu jirtaan in uu idinku dhaco feyriska corona .” ayuu yiri

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay bixinayso kirada guriyaha ay ku jiraan, sidoo kale waxaa uu ku dhawaaqay furitaanka 568 xarumood oo raashiinka lagu qaybiyo oo ku yaalla magaalada Delhi.

Rai’sul wasaare Narendrea Modi ayaa raaligalin ka bixiyay xayiraadda la soo rogay.

Migrant woman with a baby wearing a face mask as a preventive measure, at Anand vihar bus terminal during the nationwide lock downLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionThere is a precedent for this kind of exodus during crisis

Cabsida imika la qabo ayaa ah in boqolaalka kun ee ka hayaamaya magalooyiinka waawayn islamarkana ku laabanaya tuulooyiinka ay gacan ka gaystaan faafida caabuqa Corona.

About Author