Post View....

DAAWO: Bill Gates oo horay u saadiyey caabuq caalami ah oo lagu HOOBTO ayaa laga waraystay waxa uu ka ogaa Covid-19

0
57

Bill Gates ayaa horay usii sheegay in uu iman doono caabuq faafe ah oo aad u waxyeelleeya caalamka oo aan diyaar u ahayn.

Gates oo ka hadlayey TED Talk sanaddii 2015 gaar ahaan moowduuc cinwaan looga dhigay “Cudurka faafa ee xiga? Diyaar uma nihin” ayaa aad loo gocanayaa kaddib markii uu bilowday cudurka COVID-19.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

“Haddii ay jiraan wax 10 milyan dili kara sanadaha soo socda, dagaal iyo gantaalo maahane waa fayrus faafe ah,” ayuu Gates ka sheegay Ted Talk.

Gates oo uu waxa uu arrintan ka ogaa uu waydiiyey weriye iyo maad-yahan Trevor Noah ayaa ku ag gobaadsaday inuusan waxba ka ogayn cudurkan, balse ujeedkiisu uu kaliya ahaa baraarujin guud iyo inay dowladuhu maalgeliyaan kaabayaasha caafimaadka si diyaar garow guud loo sameeyo.

Gates oo la waydiiyey sida uu isagu ku ogaadey, balse hay’adihii ay khuseeysey aysan u ogaan ama aysan waxba ka qabanin, ayaa su’aalaha u googooyey.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=6Af6b_wyiwI]

Dad badan oo ay hoggaanka u hayaan qolyaha aaminsan aragti dhagareedyada ayaa qaba in qolyaha loo yaqaanno caalamiyiinta – oo uu Gates xubin muhim ah ka yahay – ay ka dambeeyeen hindisidda fayruskan laayaanka ah, si loo laayo dad  fara badan, isla markaana loo dabaqo hab-howleedyo cusub oo siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwo aragtiyeed.

About Author